LA SAAXIIB SODDOHDAA!
LA SAAXIIB SODDOHDAA!
Waxaa waayadaan soo batay ka hadalka saameynta ay soddohdu ku
leedahay reerka kiisa dhowaan-galka ah iyo kan horay u dhisnaaba. Hablaha
dhalinta ah ee maanta waxey sas iyo baqdin xoogan ka qabaan Soddohda, qaarna
waxeyba ka aaminsan yihiin fikrad aad u khalafsan oo ayba yaqiinsan yihiin in
Soddohdu sideedaba ay xumaan ka taliso tahay sababteedana inuu reerka ka
burburo.
Sidaa darteed waxaa muhiim ah in la’is dul taago waxa sababay in
sidaa loo hadal haayo Soddohdu lagana aamino fikrad khalafsan oo ku aadan in
qoys burburka ay iyadu inteeda badan sababteeda leedahay. Haddaba waxaan
qormadan gaaban ku dul istaagi doonaa sababtaas, saameynta ka dhalatay iyo
xalka wuxuu yahayba.
SODDOHDA IYO
SAAMEYNTEEDA QOYSKA
Soddohdu waa seef laba afle ah taasoo wadata waxtarkeeda iyo
waxyeeladeeda waxeyna u baahan tahay in si xikmadeysan looga faa’ideysto
waxtarkeeda iyadoo la’is hareer marinayo waxyeeladeeda. Run ahaantii, Hablaha
da’da yar ee weli calafkoodu gelin iney guursadaan badidoodu waxey baqdin
xoogan ka qabaan Soddohdooda mustaqbalka, kuwa reeraha lehna lama lahan xiriir
wanaagsan soddohdooda sabab ka dhalatay fikradda xun ay ka aaminsayeen ka hor
guurkooda.
Baqdinta iyo fikradda xun ay Gabdhuhu ka aamineen Soddohdu waxey ka
dhalatay kadib kolkii ay arkeen ama maqleen qoysas badan oo burburay in
sababtooda ay laheyd Soddoh taasoo ah Hooyada Wiilka reerka ka mas’uulka ah,
sidaa darteed ayey gabdhuhu naceyb aanan jirin iyo fikrad xun ay badankoodu ka
wada aamineen soddohdu.
Asalkaba, labada qof oo doonaya iney nolosha ku lammanoobaan amaba
horay reer u lahaa, hadii aysan garaneyn qiimaha waalidka uu leeyahay guud
ahaan amaba ay iyagu aheyn kuwo baariyaal u ah waalidiintooda gaara ahaan
Hooyada, uma badna iney dhowraan mudnaanta uu leeyahay xididka iyo xigaalkuba.
Soddohdu waa qofkii u sababta ahaa Alle ka sokoow inuu dinidan ku
soo biro wiilkan qalbigaaga ku weyn welibana rabitaanka xoogan aad u heyso
damacsan tahayna inaad reer wada dhisataan, maahee waa Awootada/Ayeeyada
ubadkan aad Hooyada u tahay, sidaa darteed miyey jiri kartaa sabab kalifi karta
in naceyb loo qaado, miyeyse jiri kartaa sabab ay si barreer ah ay ugu taliso
burburka qoyskiina! Wallowse ay Hooyooyinku isku wada mid aheyn.
Is guursateen, guri cusubi wada dhisteen balse diiday in Soddohda
oo wiilka hooyadii ah iney idinla soo degto sabab weliba ha kalifteee idinla
soo degisteedu kuna qanicsay ninkaaga in Hooyo aysan macquul aheyn iney idin la
soo degto balse gurigeeda iska joogto amaba haduu wiili madi yahayna Hooyo guri
loo kireeyo caawiso u qidmeysana loo qabto. Hagaag, bal suuree ciilka,
caloolyowga, halaalanka iyo hurdo la’aanta ay Hooyadaas qabi doonto iyadoo ay
hor imaan doonaan tacabkii ka galay koriinka wiilkeedan cidlada dhigay ee guursadayna.
“Calooshu intey ku hoysey, Hiyigu ku baxnaaninaayey, Horraadka
intaad jaqeysay, Dhabteydu intey ku haysey, Intaad huwaneyd tafteyda, Hobeeya
hobey hobeyda, Intaan dusha kugu heesay, Intaan Hanad kugu yeeray, Hawraaraha
kugu ammaanay, Intaan hubin kuu xambaaray, Dartaa u hoogaansanaaday, Hadhuubada
aan ku siiyey, Habniin adigoo ku diidey, Intaan hambo kuu daboolay, Hammuun iyo
gaajo qaatay, Adoo haqab beel ku seexday, Intaan hurdo kuu illaaway, Ilaashay
hareerahagaa, Hungaa I xusuusineysa.
Hubaashii, wiil Hooyadii gaarsiiyey heer ay xusuusato rafaadkii ay
la soo martay koriinshihiisa, reerkiisu ma noqon doono mid loo aayo, adigoo
xaaskiisa ahna agtaada qiimo kama lahaan doonno si walbood dan ugu qabto waxaa
tahay tii uun dhahda “Ma kii Hooyadii u quuray cidlada!” iyadoona xusid mudan
tahay in rajadii aad ka laheydeen reerkaas aad dhisateen ee aheyd inaad ku
degtaan, xasishaan kana heshaan ubadka kheyr qaba ay noqon doonto rajadaas mid
hungowda ugu dambeyna aad cidlo ciirsi la’aan ah ku soo dhici doontaan.
XALKA
Waa marag ma doonto in Gabadhey maalin uun aad guri dhisan doontid
haduu Alle nafta kugu simo, xagiisana ka ahaato inaad guri dhisato, waxaana
muhiim ah in wiilka aad haasaawe wadaagga tihiin, qasadkiinuna yahay inaad guri
wada dhisataan aad ka hor guurkiina aad ka shaqeysaan in xiriir wanaagsan uu ka
dhex unkamo labada qoys ee aad ka kala soo jeedaan, si isfahamka labada reer uu
noqdo mid sarreeya ka hor guurkaba ayna uga baxdo meesha fikradda khalafsan ay
gabadhu ka sii qabto Hooyada wiilka.
Waa muhiim in lammaanuhu ay darajeeyaan waalidka, wiilka haduu
yahay mid aad u darajeeya, qiimeeya, xiriirya waalidka xaaskiisa, waa hubaal
iney iyaduna si lamid ah ay u darajeyn doonto waalidka ninkeeda waana muhiim in
labadooduba ay iyagoo wadajir ah booqdaan waalidiintooda taasoo dhalin doonto
in xiriirka ay midiba midka kale uu la leeyahay waalidka uu noqdo mid xoogan
taasoo ugu dambeyn dhalineysa in waalidkuba uu noqdo mid horumarka iyo
dhisnaanshaha gurigiina idinku garab taagan marnaba aanan oggolaanin in
gurigiinu uu burburo.
Diinteena suuban ee Islaamku waxey darajada waalidka gaarsiisay
meel sare ilaa heer ay labada waalid ee ninkaaga aysan kaa jabin weysada si la
mid ah waalidkaaga. Wiilka iyo hanti wuxuu leeyahay oo dhan lahaanshahooda
waxey u sugnaatay walidka oo iyagaa leh, kolka haduu arinku sidaa yahay miyey
waalidku yihiin kuwo oggolansho u qaadan kara imaanshaha guriga carruurtooda? Marnaba
maangal ah iney oggoolaansho u qaatan iney yimaadan guriga carruurtooda.
Kol haddii raali ahaanshaha Rabbigaaga lagu lifaaqay raali
ahaanshaha waalidka, kol hadii ducadooda iyo habbaarkooduba ay yihiin kuwo Alle
uusan soo celin oo sidooda loo aqbalo, kol hadii ay yihiin kuwo la’aantood
uusan wiilkan ku guursanaya ama is-guursateen uusan waxba ahaadeen iyaga la’aantood,
marba haduu arinku yahay noocaas, waalidku gaar ahaan Hooyada ma qabato in muran
la galsho imaanshaha guriga reerkiina ase waxey aheyd in madaxa la saarto.
Sideedaba, Hadfkaaga ugu weyn ee aad ka leedahay guurku waaa inaad
ku xasishaa, degtaa kana heshaa awlaad wanaagsan haduu Alle kuu qoray. Sidaa
darteed hadafku haddii uu kaas yahay, waa muhiim in xiriir wanaagsan aad la
lahaataa waalidiinta kugu hareereysan gaar ahaan Hooyada. Waxaa laga yaabaa
iney Soddohdu kugu noqoto mid dabeecad ad-adag leh balse kolka aad caqli iyo
xikmad isticmaasho waxaad awood u leedahay inaad maaareyso, adigoo u
dabacsanaanaya, u naxariisanaya, xurmada ay mudan tahay siinaya taaso dhalin
doonta in qalbigeeda kuu furmo ugu dambeyna aad noqotaan saaxiibo isu
wanaagsan.
Gunaandkii, Soddohdaada ka aamin iney tahay hantidaada aad ku
baxsan doontid maalin uun, Soddohdu waa hooyo iyadoo kaa rajeeneysa inaad ula
dhaqanto sidaad Hooyadaada ula dhaqmi laheyd. Booqo Soddohdaada, u gee
haddiyad, u muuji dabacsanaan iyo ixttiraam adigoo noqonaya qof dabacsan
welibana dad la dhaqankeedu wanaaagsan yahay waxaana hubaal ah waxaasoo ficil
wanaagsan ah ee aad sameeneyso iney adiga kuu soo laaban doonaan oo waxtar
wanaagsan kuu noqon doonaan iyadoona ugu dambeyna ay Soddohdaada kuu noqon
doonto sida Hooyadaada oo kale, xiriirka idin dhaxeeyana uu noqon doono mid
adag taasoo ugu dambeyn sahli doonta iney arin weliba oo kula soo derista kula
xaliso, garab iyo hiil kuu noqoto iyadoo halka aad ku wanaagsan tahay kugu dhiiri-gelin
doonta, halka aad ku liidatana garab kugu siin doonto ugu damabeyna uu
reerkaagu ku soo bixi doono mid dhameys kuu ah kana gurato mirihii aad maanka
ku heysay inaad ka guran doonto guurkaaga.
Ugu dambeyntii, adiga maanta guriga dhistay ama hooyada ah, haduu
Alle kugu simo waxaad noqon doonta beritoole soddoh, waxaadna jeclaan laheyd in
wiilkaaga xaaskiisa ay ku qiimeyso, qadariso, talo lagaa qaato oo lagu maqlo,
sidaa darteed waa muhiim in Soddohdaada maanta aad u muujiso intaas aan sare ku
soo xusay oo dhami, wixii cashir ahna aad ka barato maadama wadada aad ku
socoto hadda ay hortaada soo martay.
“Sidaad ula dhaqanto Soddohdaada maanta, waa sida lagula dhaqmi
doono adigoo Soddoh ah berri”!
Xigasho:
1.0 Sawirka: https://happymuslimfamily.org/
1.1 Maansada Anuun Baa Hooyadaa Ah, Abwaan Hadraawi.
Comments
Post a Comment