SAQIIRADAAN DHALNAAN KUGU SABRAYAA!!



Sida caadiga ah reerku had iyo jeer tiirarkiisu waxaa xajiya ama liica u diida labada is qabta ee dunida iska doorday mid uun, macquul maaha labadooduba iney ilaalinayaan ama ay adkeenayaan tiirarka aqalkooda mid baa ku samraya oo u dulqaadanaya xaalad kasta oo ka soo food-saarta qofka uu la nool yahay.

Haddaba, qormadan waxaa igu dhaliyey inaan qalinka u qaato qiso dhab ah oo aan arkay dareemayna xanuunkeeda mharkii si dareen leh la’iigu wariyey.
Ragga iyo dumarku isku dareen maaha Alle yaana sidaa u abuuray, kolka raggu ay qarsan karaan dareenkooda ama dhibtooda dumarku ma qarin karaan inta ina rag oo qarin karo oo kale balse waxa ay nafisaan kolka ay ilmo dhabankooda soo dhaafto oo ay in cabbaar ah ooyaan dhibtii xoogeediina ay halkaa ku ilaawaan nafisna dareemaan.

Labada is qaba mid baa dheeliga u diida dhismaha qoyskooda, isagu shalay markii uu ku jiray xaaladda Xodxodashada (Haasaawaha) wuxuu ahaa mid u heelan iyada, tusana kalgaceyl iyo naxariis tii u dambeysay waa intuu karo’e iyaduna naxariistaas iyo kalgacalkaas faraha badan inta ay madax maraan ayey garan weydaa cidda ay tahay iskuna dhiibtaa isaga isna dhahdaa kani waa midkii aad ku Alle baryi jirtay noloshana la qeybsigeeda isaga mooyee cid kale kuma qurux badna.

Wuxuu xaal sidaa ahaadaba Xodxodoshadiina ay halkeedii ka sii socotana wuxuu ka dhameenayaa inuu guursado iyada, isagoo waxba gacanta ku heyn balse damaciisu uu yahay reerka uu ka dhashay inuu dhex keeno, waxaase murug ku ah isaga sida uu inantani u doonan lahaa ileen waxba faraha kuma hayee wuxuu isku dayey inuu ka dhaadhiciyo in uu Meher-Xado (Qudbo-sirro) nasiib wanaagse iyadoo kaashaneysa tacliinteda kalsoonina ka heysta waalidkeeda ka diiday waxa uu ula yimid uguna bishaareysay keliya in uu waalidkeed u yimaad lana xumeyn dooninna.

La’is guursaday guri la wada tag oo aysan ku qarsoomi karin qofiba xaaladiisa dhabta ah kolnaba, kalgaceylkii iyo naxariistii uu u muujin jiray bilo uun kadib galbadeen wejigiisi dhabta ahaa banaanka yimid. Iyadu waxa ay filaneesay kolba haduu naxariis xad dhaaf ah ugu muujiyey bananka kolka ay ooridiisa xalaasha ah noqoto mid ka sii saa’idsan taa inuu u muujin doonno aysan nusqaan jiri doonin balse taa badalkeedii xanuun iyo diif joogto ah ayey deris la noqotay.

Waxey habeen weliba ciil iyo caloolyow la hooyataba wuxuu Alle ugu deeqay oo siiyey ubad ay ku indho-qabowsato dhibtana ay ku ilowdo balse isagu waa sidiisi is bedel kama muuqdo.

Waxa ay u dulqaaadataa oo ay ku samirtaaa xaalad ay haweenku qariib ku tahay agtooda iney ku samraan oo ah inuu telefonka  kala haasawayo dumar kale kolka ay aragto dagaal ma siiso buuqna kuma kiciso halkaas ileen waa ay jeceshahay isaga ficiladaasina la qabsatay iyo weliba iyadoo diideysa dhexdooda xaaladda ah iney dibadda u gudubto oo ay derisku ku soo baxaan dheg-xumo iyo ceebna ay halkaa ka raacdo iyaga, balse isagu aanu dareemeyn xaalka ooridiisa balse hoosta ay ka ooysaa muraayadii qalbigeediina ay halkaa ku jabto. Caku Xanuun badanaa!!

Waxa ay doorbiday iyada in ay cataawga, murugada iyo uur ku taaladaba in ay la deristo oo ay ku samirto inta ay Ubadkeedu aafo nololeed ay soo wajihi laheyd oo waxa ay diideysaa ubadkeedu in ay dheeli-tir la’aan ay koraan oo waxa ay dooneysaa Aabe iyo Hooyo wadajira dhexdooda ay ku Koraan ileen isku mid ma aha caruurta waalidkoodu kala tagay iyo kuwa ku soo dhex koray waalidkooda tiiyo jirto ayey hadane dheg-xumada ah Reerkii wuu burburay ayey diideysaa oo way kala tageen labadii in ay dhahan bulshada ku xeeran iyaga balse isagu halkaa fog ay ka fikireyso iyada uma muuqato isaga o ma dareemo si kasto ay dhegta wax u shegto iyadoo aheyd in isagii Ragga ahaa inuu sidaas sameeyo balse ma ay dhicin taa ileen Alle baa qadaray iyadu iney noqotaa tii dheeliga u diideysay reerka waxaase intaa u dheer daneyn, xaqdhowr iyo qadarin la’aan intaba oo isaga dhankiisa kaga imaaneysay iyadoo la moodaba inaaney aheyn Ooridiisii xalaasha aheyd ee ubadkan quruxda badan u dhashay.

Gunaandka qisada, waxaa hubanti ah midka ku sabra dhib kasta iyo xaalad kasta oo ka soo wajahda lamanahiisa nolosha inuu Alle badiilkeeda siinayo isagoo ugu sabraya waxa aan macsi Alle aheyn, maxaa yeelay waxa aad dooneyso ayaa ah Gurigan Muslimka ah inuusan burburin oo sii jiro siina taagnaado Islaamkuna waxa uu boorinayo dhiiri-gelinayana ay taa tahay.

Xanuun haduuba jiraba xanuunkiisa soo martay balse sidaa ugu soo samirtay uguna soo adkeysatay ugu sii samir kol aan dheereyn Raxmadda Alle wa ay kuu hoori doontaaye waadna nimceysan doontaaye laga yaabana qalbigiisa in uu Alle garowshiiyo kuu gelsho uuna garto xanuunka uu kugu hayo kii uu ku qalbigaaga ku xasili jirayna ku soo noqdo IDDIN ALLE.

“DAGAALKAADEY QARISAA QALBIGOO DIKAAMAYEE DUUDUUB XUMO U LIQDAA.”

WQ: Mahdi Mohamud Abdi
Daanda909@gmail.com 

Comments

Popular posts from this blog

U XOOGSO INTAANEY XILAHAAGA NOQON!

LA SAAXIIB SODDOHDAA!