Posts

LA SAAXIIB SODDOHDAA!

Image
LA SAAXIIB SODDOHDAA! Waxaa waayadaan soo batay ka hadalka saameynta ay soddohdu ku leedahay reerka kiisa dhowaan-galka ah iyo kan horay u dhisnaaba. Hablaha dhalinta ah ee maanta waxey sas iyo baqdin xoogan ka qabaan Soddohda, qaarna waxeyba ka aaminsan yihiin fikrad aad u khalafsan oo ayba yaqiinsan yihiin in Soddohdu sideedaba ay xumaan ka taliso tahay sababteedana inuu reerka ka burburo. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in la’is dul taago waxa sababay in sidaa loo hadal haayo Soddohdu lagana aamino fikrad khalafsan oo ku aadan in qoys burburka ay iyadu inteeda badan sababteeda leedahay. Haddaba waxaan qormadan gaaban ku dul istaagi doonaa sababtaas, saameynta ka dhalatay iyo xalka wuxuu yahayba. SODDOHDA IYO SAAMEYNTEEDA QOYSKA Soddohdu waa seef laba afle ah taasoo wadata waxtarkeeda iyo waxyeeladeeda waxeyna u baahan tahay in si xikmadeysan looga faa’ideysto waxtarkeeda iyadoo la’is hareer marinayo waxyeeladeeda. Run ahaantii, Hablaha da’da yar ee weli calafkoodu gelin in...

SAQIIRADAAN DHALNAAN KUGU SABRAYAA!!

Image
Sida caadiga ah reerku had iyo jeer tiirarkiisu waxaa xajiya ama liica u diida labada is qabta ee dunida iska doorday mid uun, macquul maaha labadooduba iney ilaalinayaan ama ay adkeenayaan tiirarka aqalkooda mid baa ku samraya oo u dulqaadanaya xaalad kasta oo ka soo food-saarta qofka uu la nool yahay. Haddaba, qormadan waxaa igu dhaliyey inaan qalinka u qaato qiso dhab ah oo aan arkay dareemayna xanuunkeeda mharkii si dareen leh la’iigu wariyey. Ragga iyo dumarku isku dareen maaha Alle yaana sidaa u abuuray, kolka raggu ay qarsan karaan dareenkooda ama dhibtooda dumarku ma qarin karaan inta ina rag oo qarin karo oo kale balse waxa ay nafisaan kolka ay ilmo dhabankooda soo dhaafto oo ay in cabbaar ah ooyaan dhibtii xoogeediina ay halkaa ku ilaawaan nafisna dareemaan. Labada is qaba mid baa dheeliga u diida dhismaha qoyskooda, isagu shalay markii uu ku jiray xaaladda Xodxodashada (Haasaawaha) wuxuu ahaa mid u heelan iyada, tusana kalgaceyl iyo naxariis tii u dambeysay waa in...

MASRUUF LA’AANAA II DHAANTA M-YAR INUU YEESHAA!!

Image
Waa caado iyo dhaqan soo jireen ah dumarku la guursiga lala guursanayo in ay neceb yihiin, Ragguna uu damac deynenin tiiyoo jirto ayuu kuu ina rag ahaa ee damaca lagu falay la guursan jiray M-weynta haduuba seddexeyn afareyninna, ciil iyo caloolyoow Ku habsada M-weynta mooyee ma aynaan jiri jirin waxa aan arkay ee igu riixay inan maqaalkan qalinka u qaataa. Intaa gogol dhig ha’igu ahaato qormadan’e. Aan u soo daadago mugga maqaalkan, wax ay la tacajubayaan oo Mar-la-arag ah maaha in Dumarku arkaan raggoodii oo la guursanayaan dumar kale. Bahweynta rag waa lagu ogaa Damac indho la’aan ah balse kii daamiir dadnimo leh Xilkasna ah isagoo tii uu kal hore guursaday dugsi dejin baahiyaheedii kalena kaamilinna mid kale ma hunguriyeeyo. Aan Ku sii siqo qormadan, Sanadahan dambe badi Dumarkii waxa ay la soo baxeen hagardaamo ay hagardaameenayaan Seygooda iyagoo Ku furaya mowjado mashaakil miiran ah oo u xalkoodu Faluus (Lacag) Ku jiro iyadoo tiraahda Jiifka bedel, Fadhigan muuq...

U XOOGSO INTAANEY XILAHAAGA NOQON!

Image
Dhalinta maanta intooda badan waa kuwo Guurka ku degdega iyagoon fahansaneyn macnaha dhabta ah uu xambaarsan yahay guurku. Manta Dhalinta kuwooda Labka ah (Rag) intooda badani waxey guursadan iyagoon ka fikirin mustaqbalka fog ee Reerka ay iminkadan askumayaan (dhisayaan) ku soo foogan weliba iyagoon sii odorasin xaaladda manta side tahay ineysan sii ahaan doonin ayey Guursadaan ileen waagii baryaba walalacdiisa uu wataaye, barkoodna wuxuun bey u guursadan hebel oo asagaaga ah wuu guursadaye adiguna maxaa meesha ku dhigay oo maad guursatid, Xaqiiqduse taa ka fog. Waa Ayaan darro weyn o dhibteeda wadata, halka ay sartu ka qurusan tahay tallow waa xagee? hadiiba Reerkii shalay dhidibada loo taagay uu maanta tiirarkiisii Aboor feentay halkaasna ku burburay, Inankii shalay aroostayna maanta uu dalqayo inantii oo shalay Cambaro-luusha ku sheegayey, Hablo badanna ay saas ku carmaloobeen (Garoobowen) iyagoo Dhallintoodu ay aad u yar tahay qofkii arkaana uu maleysan karin hadii...

U XOOGSO INTAANEY XILAHAAGA NOQON!

Image
Dhalinta maanta intooda badan waa kuwo Guurka ku degdega iyagoon fahansaneyn macnaha dhabta ah uu xambaarsan yahay guurku. Manta Dhalinta kuwooda Labka ah (Rag) intooda badani waxey guursadan iyagoon ka fikirin mustaqbalka fog ee Reerka ay iminkadan askumayaan (dhisayaan) ku soo foogan weliba iyagoon sii odorasin xaaladda manta side tahay ineysan sii ahaan doonin ayey Guursadaan ileen waagii baryaba walalacdiisa uu wataaye, barkoodna wuxuun bey u guursadan hebel oo asagaaga ah wuu guursadaye adiguna maxaa meesha ku dhigay oo maad guursatid, Xaqiiqduse taa ka fog. Waa Ayaan darro weyn o dhibteeda wadata, halka ay sartu ka qurusan tahay tallow waa xagee? hadiiba Reerkii shalay dhidibada loo taagay uu maanta tiirarkiisii Aboor feentay halkaasna ku burburay, Inankii shalay aroostayna maanta uu dalqayo inantii oo shalay Cambaro-luusha ku sheegayey, Hablo badanna ay saas ku carmaloobeen (Garoobowen) iyagoo Dhallintoodu ay aad u yar tahay qofkii arkaana uu maleysan karin hadii lagu...

QALINJABISAYE MAXAA XIGA!

Image
Sida caadiga ah Ardaygu marka uu ku jiro waxbarashada qaasatan tacliinta sare had iyo jeer wuxuu maanka ku hayaa ama maskaxdiisa ka guuxeysa fikaradda ah qalijebin Kadib waxaad heli doontaa shaqo aad ku kasban doonto mushahar ku raali geliya. Balse runtu waxa ay timaadaa marka aad soo qalinjebiso ee aad soo qaadato Shahaadadaada wax alla waxaad doonto ka soo taqasus’e ee aad so dhexgasho masraxa shaqada. Mee waxaad filaneysay misana aad had iyo jeer ku fikiri jirtay ee ahaa durbaba waad heli doontaa shaqo mushaharkeedu sareeyo. Haa dabcan durbaba inaad haleeli weydaa shaqo ku qancisaa maaha wax lala yaabo. Filashadeydu ma riyo uun bey aheyd? Ma Waaayahaa I saacidi la’? Ma Anigaa waxba aqoon mise Ayaankeygu ayaa ah mid xun? Su’aalaha iyo qaar kalo badan yaa maankaga ku soo dhacaya markiiba. Xaqiiqduse saa maaha, inaad soo qalinjebisaa weliba aad darajo sare ku soo baxdaa macnaheedu maaha shaqaad horay ka heleysaa, ee waa qofba iyo Ayaankii iyadoo taa jirta ayaa haddane tahay qof ke...