Posts

Showing posts from 2021

LA SAAXIIB SODDOHDAA!

Image
LA SAAXIIB SODDOHDAA! Waxaa waayadaan soo batay ka hadalka saameynta ay soddohdu ku leedahay reerka kiisa dhowaan-galka ah iyo kan horay u dhisnaaba. Hablaha dhalinta ah ee maanta waxey sas iyo baqdin xoogan ka qabaan Soddohda, qaarna waxeyba ka aaminsan yihiin fikrad aad u khalafsan oo ayba yaqiinsan yihiin in Soddohdu sideedaba ay xumaan ka taliso tahay sababteedana inuu reerka ka burburo. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in la’is dul taago waxa sababay in sidaa loo hadal haayo Soddohdu lagana aamino fikrad khalafsan oo ku aadan in qoys burburka ay iyadu inteeda badan sababteeda leedahay. Haddaba waxaan qormadan gaaban ku dul istaagi doonaa sababtaas, saameynta ka dhalatay iyo xalka wuxuu yahayba. SODDOHDA IYO SAAMEYNTEEDA QOYSKA Soddohdu waa seef laba afle ah taasoo wadata waxtarkeeda iyo waxyeeladeeda waxeyna u baahan tahay in si xikmadeysan looga faa’ideysto waxtarkeeda iyadoo la’is hareer marinayo waxyeeladeeda. Run ahaantii, Hablaha da’da yar ee weli calafkoodu gelin in...