SAQIIRADAAN DHALNAAN KUGU SABRAYAA!!

Sida caadiga ah reerku had iyo jeer tiirarkiisu waxaa xajiya ama liica u diida labada is qabta ee dunida iska doorday mid uun, macquul maaha labadooduba iney ilaalinayaan ama ay adkeenayaan tiirarka aqalkooda mid baa ku samraya oo u dulqaadanaya xaalad kasta oo ka soo food-saarta qofka uu la nool yahay. Haddaba, qormadan waxaa igu dhaliyey inaan qalinka u qaato qiso dhab ah oo aan arkay dareemayna xanuunkeeda mharkii si dareen leh la’iigu wariyey. Ragga iyo dumarku isku dareen maaha Alle yaana sidaa u abuuray, kolka raggu ay qarsan karaan dareenkooda ama dhibtooda dumarku ma qarin karaan inta ina rag oo qarin karo oo kale balse waxa ay nafisaan kolka ay ilmo dhabankooda soo dhaafto oo ay in cabbaar ah ooyaan dhibtii xoogeediina ay halkaa ku ilaawaan nafisna dareemaan. Labada is qaba mid baa dheeliga u diida dhismaha qoyskooda, isagu shalay markii uu ku jiray xaaladda Xodxodashada (Haasaawaha) wuxuu ahaa mid u heelan iyada, tusana kalgaceyl iyo naxariis tii u dambeysay waa in...