MASRUUF LA’AANAA II DHAANTA M-YAR INUU YEESHAA!!

Waa caado iyo dhaqan soo jireen ah dumarku la guursiga lala guursanayo in ay neceb yihiin, Ragguna uu damac deynenin tiiyoo jirto ayuu kuu ina rag ahaa ee damaca lagu falay la guursan jiray M-weynta haduuba seddexeyn afareyninna, ciil iyo caloolyoow Ku habsada M-weynta mooyee ma aynaan jiri jirin waxa aan arkay ee igu riixay inan maqaalkan qalinka u qaataa. Intaa gogol dhig ha’igu ahaato qormadan’e. Aan u soo daadago mugga maqaalkan, wax ay la tacajubayaan oo Mar-la-arag ah maaha in Dumarku arkaan raggoodii oo la guursanayaan dumar kale. Bahweynta rag waa lagu ogaa Damac indho la’aan ah balse kii daamiir dadnimo leh Xilkasna ah isagoo tii uu kal hore guursaday dugsi dejin baahiyaheedii kalena kaamilinna mid kale ma hunguriyeeyo. Aan Ku sii siqo qormadan, Sanadahan dambe badi Dumarkii waxa ay la soo baxeen hagardaamo ay hagardaameenayaan Seygooda iyagoo Ku furaya mowjado mashaakil miiran ah oo u xalkoodu Faluus (Lacag) Ku jiro iyadoo tiraahda Jiifka bedel, Fadhigan muuq...